|
Q O R A A L
|
|
Somali
Poetry
Gabaygan
Waxaan ka qoray Axmed Xasan Cali Oday 29/01/2012.
Gabayga soo socda waxuu utiriyey nin ay isku qoys ahaayeen oo la odhan
jirey Axmed Weyrax Saalax (AHN)oo aabihiis Weyrax Saalax lagu diley duullaan
ay Daraawiish ku qaadeen niman Iidle Biciide iyo Boho meel la yidhaahdo
Geedo Midhaleh oo u dhow Garoowe. Qorigii Weyrax waxaa soo qaaday Ibraahim
Jaamac oo u keeney wiilkii sii Axmed Weyrax oo markaas shan sano jir ahaa,
geelii Daraawiish laga soo dhacayna saamigiisii ayaa la siiyey wiilka yar.
Axmed Weyrax markuu weynaaday ayuu gabadh ka doonay nin Muuse Ismaaciil ah
oo la odhan jirey Jaamac Cali muuse (AHN) . Waxaa lagu xidhay inuu gabadha
yarad uga baxsho dhamaan geela uu leeyahay iyo baarqabkooda iyo weliba
hadhuubkii geela oo la odhan jirey (Afgobaadle). Tirada geela waxaa lagu
sheegay 24 tuldood . Geela oo lasii wado bixintiisana lagu muransanaa ayaa
nin la odhan jirey Cigaal Laba waranle la kulmay (AHN). Cigaal oo la hadlaya
wiilkii, odaygii gabadha laga doonay,geelii iyo gabadhii ayaa yidhi:
Jaamac Cali waxaan idhi : "Ma waxaanay gabdhahayagu lahayn bay gabadhaadu
leedahay ? Yaradkii aad ka bixiseen waa la ogaye". Jaamac waxuu qabay sadex
dumar ah oo Biciide ah.
Inanka waxaan idhi : "Nin labanaas oo kor
u jeeda arkayaa ma arki karo afar naas hoos oo hoos u jeeda".
Geelana
waxaan idhi: "Adaraxmaan dhaaftaye Uduruxmiin u gal"
Gabadhana waxaan
idhi:"Nujubku ku keen"
Geelii sidaas ayuu ku tegey oo yaradkii
looga baxshey. Hadaba Aden Cabdi Jibriil ayaa tixahan ku canaananaaya
wiilkii :
Gas ku jiraha maantaad ahayd, habarta guud saaran
Gorgor baa ku cunay aabbahaa, goobti loo tegeye Garaad-laawayahow cayn uu
yahay, waanad garanayne Ninkii yarad guraa wax buu, yara gunnaafaaye
Duq gabowdey iyo buu baxshaa, gabanta nuugay e Gunta miyaa la taabtaa
horweyn, gole ka guuxaaya Hadday gabadhu wiil kuu dhasho, gaajadaad arage
Adna awr laguu soo gibliyo gogoli kaa dheere.
Hadaba waxaa dhacday in mudo yar ka dib ninkii geela la wareegey
gabadh ka doonay nin Uduruxmiin ah oo la odhan jirey Xasan Cabduulle Yaxye.
Xasan Waxuu ku xidhay Jaamac Cali Muuse oo gabadha ka doonay inuu dhamaan
bixiyo geelii uu yaradka uga qaatay Axmed Weyrax. Sidaas bay ugu dhamaatay
sidii uu saadaaliyey Cigaal laba-waranle oo uu geelii ugu galay Uduruxmiin. |
|
|
|
M A Q A L
More
More
More
|
|
|
|
|
|
|