Somali
Poetry
Gabayga soo socda waxuu Ducaale uga jawaabayey
gabay uu tiriyey nin Dhulbahante ah oo la odhan jirey Nuur Xiddig oo aan
xaga dambe ku soo sheegi doono.
Waxuu Ducaale yidhi :
Kobta Madarre iyo baad lahayd, Karimo
Awryaale
Ninna kaama kiciyeen haddaad, kadabsanaysaane
Kugta
dhiiga kaa saran ayaa, koorta kaa lulaye
Karammaan adaa sii socdiyo,
meeshi kululayde
Keenada adoo lagugu wado, in Kablow kaalay
Waa
lagu kabaallaynayaa ina Kablow kaalay!
Ninka la odhan jirey Nuur xiddig ayaa maalin maalmaha ka mid
ah yimid ceel ay ka cabbayaan xoolihii qoyskiisu. waxuu kala garan
waayey wiilashiisii, ilmaadeeradiis iyo kuway dhaleen. Waxuu la yaabay
fara badnidooda iyo xoolaha ay waraabinayaan xaddigooda. Wuu is
cajebiyey markaasuu maalintii dambe shir u qabtay Wuxuu yidhi "innagoo
tiradaas faraha badan leh side dalka cid kale ugu noolaataa. Waa inaynnu
guurnaa oo dagaal ku qaadno isaaqan kibrey"
Wixii uu ku taamayey
maal iyo dad Waxaa helay abaartii Dhuuglaho la odhan jirey iyo dagaalkii
Daraawiishta oo gam ka siisay. Waa sanadka Dhulbahante jabayoo intii soo
hadhay ay ka hadheen wixii Isaaq u galay iyagoo qaxootii iyo barakac ku
dhacay. Waa sanadka la odhan jirey markii maxastoodii isaaq u gashay:
"Naago dhaadheer oo Dhulbahante ah yaa dhulkii yimid"
Nuur xidig
markuu is cajebiyey waxuu yidhi:
Dhalinyaro karuurkaa ka badan, kalama
dheelmooyin
Haddaan kaalintii iyo fardii, kala aqoon waayey
Sideebaa shisheeye u kibraa aniga oo kiilan !
Hadaan reer Sanaag kala
kawerin ina Kablaan sheegtay (1)
Markii dhuuglaho dhacday oo col iyo abaar lagu saliday
Dhulbahante ayaa nasiibkiisa waxaa Nuur u baxsaday afar caruur ah,
Xaaskii iyo laba geenyo wuxuuna dib ugu soo noqday Bari. Waxuu haybiyey
Ducaale Guuleed oo ay ilma-abti isu ahaayeen waana ninkay isu gabyayeen.
Goor fiid ah ayuu isasoo taagey duleedkii gurigii Ducaale. Ducaale
markuu maqlay sanqadhii ayuu yidhi:
"War waa kuma? "
"Waa kaad u yeedhay" Nuur baa ugu
jawaabey. Ducaale intuu yaabay ayuu ood-rogadii ka rogey , Markuu
fadhiisiyey oo sooryeeyey ayuu Ducaale ku yidhi : "Oo waad raagteye!"
Nuur waxuu ka baqay inuu Ducaale u gabyo markaasu uga horreeyey oo
mariyey tixaha soo socda :
Wax
dhaaxaan aqal daar ka weyn, soo dingiigsadeye
Wax dhaaxaan adhi daad
ka badan, soo dabbaal idhiye
Wax dhaaxaanba dowdabey hashii, dacasha
dheerayde
Caawana darbada Eebbahay waw dul-leeyahaye
Dugga miyaan
ku soo xidhay adduun laba darmaanood ah !
(1) Waa midgaan la yiiley NuurXidig
______________________________
Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)