Maxamed Diiriye Xujaale (IHUN) OO Axmed Faarax Biciide ah ayaa isna
geeridii Jaamac Ololka ka tiriyey gabay aan wax kooban ka hayo oo uu ku
guubaabinaayo Boho iyo Ba-Farooyoba.
Wuxuu yidhi:
Togga dheraran dhiicaanka yaal, Qaarri
dhiniciisa (1)
Dhoobada ku taal Yuusuf, sow laguma dhiillaabo (2)
Qayladii dhabawdaye ayaa, dhamacda waaweyna?
Reer Naaleeye waw wada
dhammaa, dhimashadiisiiye
Dhool baxay la moodyow ninkay, Dhebi ku
daaqaysey
Dhooddi iyo illaa hawd ninkii, loogu dhici waayey
Kala
dhuunte nimankii lahaa waysu dhimanaaye.
Ragga dhalada reer Faahiyay
(3) dhiriyo Moodeene!
1.Goobtii lagu dilay Jaamac Olol
(Kabiid iyo Karaxa)
2.Waa aabbihii Yuusuf Cali Ismaciil Yoonis (
Yoonis Tuug )
3. Faahiye Faarax Biciide oo ah jilibkuu ka dhashay
Jaamac Olol
______________________________
Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)