Q O R A A L
Gaabsada
afkiinna
Annaga
Saatirkay
More
More
|
Aw Cilmi
Ducaale Yuusuf (Basanbur, Biciide)
Ilaahay
ha u naxariistee Aw Cilmi Ducaale wuxuu ka mid ahaa gabyaagii waaweynaa,
siiba suugaanyahannadii safka hore ee Gobolka Sanaag. Abwaanku wuxuu
gabyayey sannadihii afartameeyadii illaa lixdameeyadii qarnigii tegey.
Suugaan badan kama hayo se inyar oo sawir ka bixinaysa balaaqadiisa
gabay ayaan idin la wadaagi:
Aw Cilmi waxa laga hayaa:
"Annaga Saatirkeen uumiyaha naga sarraysiiye San-ku-neeflihii nala
murmoow taadu socon mayso"
Aw Cilmi oo la hadlaya nin Dooddi la
odhan jirey:
"Warsangeli
ragiinnuu deldelay , waa la duudsiyaye
Maxaad Dooddi deelqaafkayaga,
uga danbayn wayday
Dabka iyo lagaa roon faraa,
laysku daafaco'e
Ma diyaaradaa leedihiin,
duula yaabbaniye."
Waagii hore qabiilooyinku isku
martabad iyo maqaam ma ahayne isagoo mar kale qoladaa la hadlayana wuxuu
yidhi;
"Sidii niman gudboonbaad
haddeer, noola gurantaane
Gaabsada afkiinnaa marbaw go'i lahaydeene."
Dagaalkii sokeeye ee HJ & HY badhtamihii qarnigii tegey
ayaa HY Bari gaadhi ay hub ku soo qariyeen oo galbeed u socda ayaa
reerka Aw Cilmi ka dhashay qabteen;
"Haddaan
dunida heesa xun iyo haybta laga deynin
Oo Habar Magaadlaannu nahay,
Herer la gaadhsiiyo
Halow baa indhaha idinka mari
waana la hubaaye."
Marna gabadh
uu u hanweynaa ayaa qolo uu dhaliilayey guursadeen markaasuu yidhi:
"Maryaneey guduudane ma cuno,
geelka weynaha'e
Garanuugta kama liidataan, sool u geedida'e
Iyaduba halkaan geed ka xigin, waa ka
gudubtaaye
Geyaankii isaaq oo dhan baa, geesta kaa xiga'e
Gaaraa-bidhood iyo genbibaa, gubanku yeeshaaye
Ma gudoodi baad ceel ku tegi, gabadh adoo
haysta Ma nin
go' iyo shaadh cawlan leh, baa gaadhka kula seexan
Googarad ammaano ah
miyaa, gubato kuu laacdey
Durba labba galleydii miyaa, lagula soo
gaadhey. Ma
galaas jinni'ay kuu dareen giniyadii beenta."
|
M A Q A L
More
More
More
|