Q O R A A L
Allaa
ku sahlay
Qooraysoo
|
|
Somali
Poetry
Allaa
Kuu Sahlay
Gabaygan waxaa tiriyey (IHN) Axmed Daad isagoo uga warramaya Aw Cabdi
Muuse (IHN)gabadh u doonanayd oo uu la tegey ina adeerkeed oo Sacad
Yoonis ahi. Waxuuna ku waaninayaa inuu dulqaato oo ay arrintani tahay Qader
Alle.
Sunne iyo faral, sujuud iyo
rukuuc, suuratal Islaamka Sir iyo caad, Sawaab iyo xummaan, saa’il iyo
baadil Waxaan sabab lahayn Eebahay, sooma uu rogine
Ninba
saamigiisuu wataa, seemka aakhiro e Warka xalayto Sool iyo ka yimid,
Beesha Sacad Yoonis Waa midaanad iga siisanayn, kana sasaysaaye Allaa
kuu sahlee Aw Cabdow sigatay waagiiye.
Yartii saarku kuu qaadaybaa,
seeddigaa dhacaye Saxan laba nin wada haysataa, suura geliwaaye Suunna
umamaaxine? dabkay kaga sullaaceene Sodduguba sedkii uu fishayiyo, seeji
yaradkiiye Haddaan adiga soof kaa maqnayn samir ha moogaanin.
Cileeye Shire (Jawaab)
Waxaa dhacday in nin Cilleeye Shirre la odhan jirey (Warsame) oo gabadha
adeer u ahaa gabaygii Axmed Daad uga soo jawaabey isagoo la hadlaya
gabadhii, Waxuuna yidhi :
Allaa kuu
sahlee Faadumoy, sigatay waagiiye Nin sideed habloodliyo sac bay, kuu
sasabayaayeene Adhigii tiraa lagu simay, oo saayid ma lahayne
Saraciina waayahan ma guran, saancadka lahaaye Xiis-Liqe kuwii uu sigay,
baa suuqa dherarraaye Sako iyo qardhaas laguma helo sabaryar naageede.
Axmed Daad ayaa mar kale qaatay gabaygii
Waxaa dhacday in will uu dhalay Axmed Daad oo la yidhaahdo Cabdi
looga yarad bixiyey oo uu guursaday inan uu adeer u yahay Cileeye Shirre.
Gabadhii yaradka fiican laga bixiyey ayaa dhibaad doonatay oo reerkoodii
muddo ku maqnayd. Waxaa dhacday in galab galbaha ka mid ah iyadoo Axmed daad
adhigii mayracayo uu arkay gabadhii oo uub maydho ah xambaarsan. Isagoo
gabaygii Warsame ku masaalaya uubkii inanta dhibaadda doonatay sidatay ayuu
tixdan soo socota u tiriyey Cileeyey (Warsame).
Arbe reer u weyniba wax waa, aaladayn jiraye
Aqalna lagama waayoo gob bay, aaladeed tahaye Abtigay Warsame waa waxaan,
eedi qabanayne Maantana ma uubkaa dhan buu odaygii soo dhiibay.
Aw Cabdi Muuse ayaa lifaaq ku daray isagoo la
hadlaya Axmed daad si dadban u duraya Cileeye Shire;
Goortuu adduuyada tirsado, aydintii yaradka
Axmed Daad miyaan laga saxayn, xididka eediisa? Itaal yarida Xaajigu
maxuu uunku kula yaabay?
Muxuu nimaan umaamadi karayn, aqal ka
raacdeeyey Ilaah bayna dilaayee Warsame, awr ma soo raro e Maxaa
odayga uubkii caddaa loogu eedeeyey ?
Cilleeye Shire ayaa ku soo jawaabey
Oodane mategin iyo halkay, agabtu kuu tiile
Aroorkii Hudo kalama bixin ugarti gaabnayde Abay iyo abay baan ogaa
aqaladiiniiye
Abeerkii haddaan bixiyey iyo aaran daba jooga Oon
aqalka awrtaan ku raray ku adadkaynaayey Oo aan anfacadii ku daray iyo
aaladdii xididka Asaan uubidiin soo raray maxaan, shalay ku eedoobey ?
______________________________________ Waxaa soo ururshey Jaamac
Aw Cabdi Muuse - 25/12/2011 |
|
|
|
M A Q A L
More
More
More
|