Waxaan
geeraarkan ka qoray nin la yidhaahdo Maxamed Caabbi (Uduruxmiin)
28/01/2012
Sadex wayga
gabyaaga,
Sadexna waa iga geela,
Sadexna wayga gabdhaa,
Sadexna
wayga gargeerta
Geedka loo dirayo.
Sadexna wayga gargeerta,
Geedka loo dirayee,
Aakhiray ku gubtaa,
Ifkana guuldarro weeye,
Reerkaagay gembidaa,
Gar eexayska ogaada.
Sadexna wayga
gabdhaaye,
Haddaa guur damacdaan,
Goosataan taladiina,
Gaadhoo
laysma yidhaahdo,
Waxuunbaa la gartaa,
Gunbaa ciil iyo way,
Guhaad loogu go’aaye,
Gobtuun baa la xigaa.
Sadexna wayga
gabyaaga,
Golahaa I maqlaayee,
Gaafka caawa la keenay
Maadhiinkii gurxamaayey
Galaas bayna dhex yaale,
Waa ninkay u
go’daaye,
Golaha caawa ka qaata!
.......................
Waa geeraar kale oo xarafka "t-da" ku socda oo uu geela ku tilmaamayo.
Haddaan dayrta tifteeda
Taraarey la xergeyn,
Intii ay
taxnaydee,
Aanay Hawd u tallaabin,
Haddaan awrku ku taahin,
Boga oo tollomoobey,
Tuke guudki la moodin,
Talfiiqaa miciyaa
iyo,
Bishnahaysku tumaynoo,
Hadba gees u tuxlayn,
Haddaan
geedka tamuuxan,
Nirgaa loogu taxayn
Ma tabaala baxda ?
______________________________
Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)