Somali
Poetry
Gabaygan waxaan ka qoray
Moxamed Caabi 28/01/2012, wuxuuna ii sheegay inuu ahaa waqtiyadii
Dagaalkii In Cadalla Xasan socdey;
Muuse Carre fooqii Rabshiga, wuxu u fuulaaba
Fuluus uu ku faylamo
wuxuu faraqa buuxshaba
Furaashkooda niman baa u hadhi, mayagaa
filayey!
Xiis daarihii lagu filcay, ee feydo lagu yeeshay
Innagoo fiyow oon rag kale, la isku food saarin
Fidho iyo habaas baa
ka kici maynagaa filayney!
Warsangeli fallaadhiyo buntukha, waxuu
la fiigaaba
Waxuu innamo feeyigo u diro, feydan kari waaye
Inuu
Ferenji qaylada u diro mayagaa filayey!
Tuurwaa falaadkuu hayey,
iyo falahtankii Booca
Fankii Ceeriyeed bay ka madhan mayagaa filayey!
______________________________
Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)