Somali
Poetry
Gabaygan
wuxuu Aadan Axmed Dubbe (Gabay Xoog) u tiriyey nin Muuse Carre ah. Sabatii
iyo gabayga intiisii badnayd iyo sixiddiisaba adaan kaa sugaynaa akhristoow.
Habar Yoonis mooyee hadii, cadow la haydaarsho
Annakaa hareertaa
dagna ooy, nagu halleeyeene
Ma jiro nin haasaawaya iyo habar
Majeerteene
Waxa horaadka laga dhiifsadaa habar Xabuushde
Nin
hashayda maala ma jiro, hodonka iidore.
Harqatay ee hadal baa ka
hadhay e an ku haw siiyo.
Afrtaa ha'da intaan ku dhigay, hilin ma
qaadsiiyay
Meeshaan ka kala heegi jiray ma ugu haaneeday
Nin
walaalkii hawl qaad yahay, oo haysta baan ahaye
Urur-Suge habeen iyo
habeen, waa i hor joogaaye
Hubka qaaday reer Xaamudkii ugu han
weynaaye.