Somali
Poetry
Gabayxoog
gabaygan wuxuu ku doonayey Faras qisadiise waa naga maqan tahaye bal isku
day inaad raadiso oo noo soo dawiso.
Xirsiyow adaan kaaga imi, ceelkii xodayoode
Xogtay maqashayoo waxaan wadaa, xaal an fududeyne
Nin xiniinyihii
laga baxshoo, Xiiqsan baan ahaye
Nin Xaabeeya laga qaadayoo,
xil u dhintaan ahaye
Xidid Nimaan laheyn oo bahdiis, xoortay baan
ahaye
Xag uu jiraba iidoor nimuu, xadhig gashan ahaye
Xasan Aadan
Seed maqashayoo, nagu xabaal seegye
Xigaalkaaba loogama tashado, neef
xaragadiise
Xadhiga iigu soo qabo duqaad xoogsiguu wadatay.