Warkaa dhimay
Beri uu Digaale
socdaall ugu tegey reero ay xidid ahaayeen oo degganaa Yagoori agtiisa
ayaa loo sameeyey martiqaad iyadoo loo diyaariyey afar nin oo gabyaa ah.
Markii uu madashii yimid ayuu gartay in martiqaadku shirqool yahay.
Gabayo badan oo goolaaftan ah oo kan soo socdaa ka mid yahay ayuu
mariyey abwaanku. Wuxuu yidhi Digaale:
Libaax waaya badan qaday hadduu, weyne kugu
keeno
Ma wahsado e booddada hadduu, wax isasoo moodo
Waafeerka
jeeniga hadduu, wiiqa kaa geliyo
Warkaa dhimay cantuugada hadduu waali kuu hudho e.
Waadiga dareewuhu hadduu, wadayo Baabuurka
Waddaa loo sameeyaye
hadduu, waaydh u soconaayo
Oo hoonku wiiq leeyahay, aad weecashada
diido
Warkaa dhimey
hadday taayiradu kugu waregaane.
Nin walaale dhowra leh haddaad,
hadal ku waaxwaaxdo
Warkaa dhimay aroortii haddii weerar ku yamiye
______________________________
Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)