Somali
Poetry
Geeraarkani
wuxuu ka mid yahay gabayo/geeraarro uu Digaale Jaamac (IHUN) ka tiriyey mar
uu Yagoori tegey oo niman suugaanta kula beretama la keenay. Isagoo u
goolaaftamaaya nimankii dhulbahante Waxuu ku yidhi.
"War
waa kuwama kuwa meligoodu galay oo caawa yidhi Digaalaannu u gabyaynaa?"
Waxaa u malanayaa inaydun Muuse Dheere meesha la fadhidaan, Oo Muuse Dheere
waa maxay bay yidhahdeen? waa gabayga iyo Geeraarka.
Wuxuu kalo
yidhi:
Gabaygu waa mucdiyaad,
Gabaygu waa muklifaad,
Afartiisa madaaree,
Midba meel uga duulo,
Ninkaan maamuli dooninow,
Ha muquurin badweyn,
Mawjadi yaanay ku qaadinee,
Ha ku soo
mannahaadin.
______________________________
Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)