Somali
Poetry
1969
ayaa Maxamed X. Ibrahim Cigaal socdaal ku soo maray Garadag. Digaale ayaa
loo sheegay inuu diyaariyo gabay lagu soo dhoweeyo Ra'iisal Wasaaraha.
Hadaba waxaa dhacday sidii uu Digaale u sugayey ayaa Siciid Ayaanle lagu soo
dhoweeyey cod-baahiyahaii oo gabaygii soo dhowaynta ku dhwaaqay. Digaale
intuu xanaaqay ayuu Xasan Kadinmaal oo faras haystey ku yidhi: "Ina-adeer ii
dhiib faraska an laba goor soo rogee" asna Waa dhiibay faraskii. intuu
faraskii soo hor taagay madaxdii ayuu yidhi:
Annagoo Dalya joogna,
Dayri geedo ma saartee,
Gu'baa dooxa biyeeya,
Aan daba weyoo
faraskayga?
Dun xariiriyo shaal,
Inta aan ku damsiiyey
Oo uu mar
dakaamay,
Marna uu ila duulay,
Marna daafta maraayoo,
Digaalowdu
baxaysaa,
La i daawan lahaaye,
Meeshan laygu dulleystey,
Dumarku
yaanay ku daalin,
Anna yaan ku dan seegin.
Markaasuu faraskii dib u rogaalay oo intuu jeedalka ku dhuftay ka soo
dhaqaajiyey ilaa Ceel-Afwein.
______________________________
Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)